ONLF oo ku dhawaaqday inaysan ka qayb galayn Dorashada Deegaanka Soomaalida dhacaysa dhamaadka bishaan

17 Sept 2021 (Puntlandes) Ururka ONLF oo shir jaraaid qabtay ayaa ku dhawaaqday inaysan ka ka qayb galayn Doorashada Deegaanka Soomaalida ka dhacaysa dhamaadka bishaan aynu ku jirno ee september.

ONLF ayaa waxay caddaysay inaysan qayb ka noqonayn doorashada oo ay ku sheegtay inay tahay mid gacan ku Rimiska, waxayna eedayn culus u jeedisay Gudiga Dorashoynka Itoobiya.

Dhinaca kale ONLF ayaa ku baaqay inay dhinacyada ku dagaalamaya Waqooyiga Itoobiya colaada ay wada hadal ku bedelaan.

Gudomiyaha ONLF Abdirahmaan Maaday ayaa ku baaqday in gargaar la gaarsiiyo Shacabka Somaaliyed ee ku Barakacay Colaada ka socota Galbeedka gobalka Siti. Sidoo kale ONLF waxay ku baaqday in shirwayne qaran laysugo yimaado, iyagoo Xisbiyada Somaalida iyo Shacabka Soomaaliyeed uga arinsanaya arimaha danta u ah umadda soomaaliyeed.

About The Author