Fahad Yasiin oo lagu xanibay Garoonka Jabuuti iyo Villa Somalia ooo eedeysay dawladda Jabuuti

17 Sept 2021 (Puntlandes) Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in agaasimihii hore ee Nabad-Sugidda Soomaaliya Fahad Yasiin, oo hadda ah la-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmajao, lagu xanibay garoonka diyaraadaha magaalada Jabuuti.

Hoos akhriso qoraal uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada:

Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa.

Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin wuxa uu ka qayb galayaa shirka Amniga Qaranka oo barri oo ay taariikhdu tahay 18-ka Sebteembar, 2021 lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

DHAMMAAD

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

About The Author