Sawirro-Muuqaal: Axmed Madoobe oo ka hadlay xaalada dalka, masuuliyada Ra’iisul Wasaaraha ee arimaha Doorashooyinka, kiiska ikraan iyo arimo kale

28 Sept 2021 (Puntlandes)  Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta khudbad uu kula wadaago xaaladahii u danbeeyay ee dalka u jeediyay qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Hay’adaha Dowlada.

Kulankan waxaa ka qeybgalay xubno katirsan labada gole ee Dowlada odayaasha dhaqanka, haween, dhalinyaro iyo dadweyne kala duwan, wuxuuna Axmed Madoobe diirada ku saaray khudbadan dhinacyada Siyaasada, amaanka, masuuliyada Ra’iisul Wasaaraha ee arimaha Doorashooyinka, kiiska sargaalad ikraan iyo abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland.

Madaxwaynaha oo ku dheeraaday doorashooyinka dalka ayaa yiri “Ra’iisul Wasaaroow, masuuliyadda aad ummadda u hayso way caddahay annaguna waan ku garab taaganahay ee dalkan ka hirgali doorasho xor ah oo aan mindida daabkeeda lagula haysanin”
Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam ayaa sidoo kale tlmaamay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo heshiisyadii la wada gaaray ” Mawqifka Jubaland ee Doorashooyinka waa in dhammaan la ixtiraamo heshiisyadii la wada galay, Ra’iisal Wasaraha shaqo dacalka la haysto ma qaban karo shaqadiisa haloo madax banneeyo isagaa wadanka masuul ka ah mindi daabkeeda la haysto RW Rooble waxba Kama qaban karo haloo madax banneeyo shaqadiisa” ayuu yiri.
Dhinaca kale Madaxwaynuhu waxa uu soo hadal qaaday kiiska la xiriira sarkaalad Ikraan Tahliil waxaana uu hoosta ka xarriiqay sida ay lagama maarmaanka u tahay u caddaalad helidda gabadhaasi.



Puntlandes.com

About The Author