Akhriso lixda kursi oo ka tirsan kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland oo Arbacada la dooranayo

28 Sept 2021 (Puntlandes) Guddiga hirgelinta doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyay in Subaxnimada Arbacada ee 29ka bisha September la qaban doono lix kursi oo ka mid ah 11ka kursi ee Somaliland.

Saddex kursi ayaa tartankooda aad u adag yahay oo isha lagu hayaa, kuwaasoo kala ah kursiga Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac iyo Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan.

Kursiga kale waxaa ku tartamaya Prof Maxamed Maxamuud Alla Bari, Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo C/raxmaan Cismaan Cali. Waxaa kaloo ka mid ah kursiga ay ku tartamayaan Cismaan Abokar Dubbe iyo C/kariin Maxamed Xasan.

Waxaa la rajeynayaa in maalinimada Khamiista ee 30ka bishan la soo gabagabeyn doono doorashada senatarada aqalka sare ee Soomaliland oo gaaraya 11 kursi.

Puntlandes.com

 

About The Author