Sacuudiga oo danjire cusub u soo magacaabay Soomaaliya

09 Okt 2021 (Puntlandes) Boqortooyada Sacuudi carabiya ayaa Mudane Axmed bin Maxamed Al-Muwallad u soo magacowday safiirkeeda cusub ee u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan, Binu Cabdulcasiis Aala-Sacuud ayaa aaladda fogaan aragga ku dhaariyay Safiirka cusub, waxaana madasha dhaarinta goobjoog ka ahaa dhaxal sugaha Sacuudiga Amiir Muxamed Bin Salmaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Amiir Faisal bin Farxaan bin Abdullah, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Waliid bin Cabdul Karim Al-Khuraji iyo Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Hab-maamuuska Khaalid bin Faisal Al-Sahli.

About The Author