Sawirro: Axmed Karaash oo xarigga ka jaray Buundo cusub oo laga hirgeliyey Magalaada Garowe

09 Okt 2021 (Puntlandes) Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta xarigga ka jaray Buundo cusub oo laga hirgeliyey Magalaada Garoowe.

Buundada uu Madaxweyne Ku-xigeenku maanta xarigga kajaray oo ay dhistay Dowladda hoose ee Degmada Garoowe oo kaashanaynsa shirkadaha wadaniga ah, waxay noqonaysaa tii labaad ee Garoowe yeelato, Iyadoo fududeyn doonta isku-socodka caasimadda iyo saxmada wadooyinka kale ee magaalada.

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa munaasabaddan wehelinayey, Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Taliyaha Ciidamada Booliska , Duqa magalaada Garoowe iyo Saraakiil Madaxtooyo.


Puntlandes.com

About The Author