Sawirro: Kulan xaal iyo duug lagu kala qaatay oo Gaalkacyo ka dhacay

14 Okt 2021 (Puntlandes) Maamulka degmadda Gaalkacyo iyo kan labada gobol ee Puntland iyo Galmudug ayaa joobjoog ka ahaa odayaasha dhaqanka ee labada dhinac oo shir isugu yimid Hotel.Five Star ee koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Shirkaas oo ku saabsanaa Heshiis hordhac ah oo laga gaarey Dil dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo dhinaca Galmudug. Kulankan oo lagu xoojinayey Nabada kuwada noolaanshaha shacabka magaalada Gaalkacyo.

Kulankan gogashiisa waxaa dhigay odayaasha dhaqanka ee Koonfurta Gaalkacyo, waxaana ka soo qeyb galey odayaasha marxuumka la diley (Cawil Maxamed Yare).
Kulankaan ayey odayaasha dhaqanka ee Koonfurta Gaalkacyo ku baxiywen lacag dhan $7000 Kun oo dollar oo isugu jirta $5000 oo xaal ah iyo $2000 oo duug ah iyo qorigii iyo booshkii marxuumkaas oo si aan ku talagal aheyn loo dilay.


Puntlandes.com

About The Author