Wararkii u dambeeyey ee wadahadala Farmaajo iyo Rooble

21 Okt 2021 (Puntlandes) Madaxtooyada waxaa maanta gelinkii hore uga bilowday Madaxweyne Farmaajo Wasiirka Amniga, Agaasimihii KMG ee NISA, iyadoo Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo xubin kale ay dhex dhexaadiye ka yihiin, waxaana ku soo biiray wada hadalada Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale Kusimaha Taliyaha NISA Yaasiin Farey oo uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ayaa isna ku biiray kulanka ka socda Madaxtooyada, iyadoo horay uu kulanka ku jiray Agaasimaha KMG NISA Sareeye Guud Bashiir Goobe ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ilo ku dhow dhow kulankii hore ayaa sheegaya in is faham laga gaaray, waxaase arrinta ugu weyn ee hadda ku soo biyo shubatay ay tahay xaalka NISA.

Sidoo kale ilaha war galka ee Madaxtooyada ku dhow dhow ayaa sheegaya inay suura gal tahay in illaa caawa la soo afjaro is-maandhaafkii siyaasadeed muddada ahaa.

Khilaafkii NISA ka taagnaa iyo labada garab ee hoggaanka Hey’adda yeelatay labadii bilood ee u dambeeyay ayay u muuqataa in xal kama dambeys laga gaari doono saacadaha soo socdo.

About The Author