Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Guriceel iyo taliye ku dhintay

23 Okt 2021 (Puntlandes) Dagaalaad uxoXogan ayaa markale Galabta dib uga qarxay magaalada  Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyadoona dagaalku uu dib u bilowday ka dib markii Ahlusuna car-car hor leh la soo baxeen kadib markii laga qabsaday goobaha muhiimka ah ee magaalada.

Dagaal xoogan oo dhex maray Ciidanka Galmudug iyo Kuwo Dowladda Federaalka oo dhinac ah iyo Ciidanka Ahlusunna kadib ayaa Ciidanka Ahlusunna waxay dib ula Wareegay goobihii maanta laga qabsaday.

 

Dagaal oo waxba aan la iskula harin oo galabtay ilaa caawa fiidkii hore ka dhacay Guriceel ayaa sababay Khasaare baaxad leh oo isugu jira Dhimasho iyo dhaawac.

 

Ciidanka Ahlusunna oo helay gurmad kaga yimid Deegaanka bohol ayaa dib ula wareegay Saldhiga booliska Guriceel iyo xarunta degmada iyo xaafadda Tuulo gaban oo maanta galinkii hore laga qabsaday iyadoo Ciidanka dowladda intooda badan ay kusugan Yihiin Xaafado ku yaala dhinaca koonfureed ee magaalada Guriceel isugu tageen.

 

Dhanka Ciidanka dowladda iyo kuwo Galmudug waxaa soo gaaray Gurmad xoogan oo kaga yimid Dhuusamareeb iyo Matabaan waxaana wali kacsan xaaladda Guriceel.

 

Dhinaca kale waxaa Dagaalkii galabta ka dhacey Guriceel dhawac ahaan ugu geeryoodey taliyihii ciidanka Danab ee Xooga dalka ee degaanada Galmudug Gaashaanle Cabdiladiif Feyfle oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidaanka dowladda ee dagaalka Hogaamineysey.

About The Author