Dagaal mar kale Guriceel ka bilowday iyo sarkaal ku dhintay

24 Okt 2021 (Puntlandes) Dagaal ayaa saaka mar kale magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud dib uga bilowday, waxaana ka dhashay khasaaraha kala duwan.

Dagaalka oo u dhexeeyo ciidamada dawladda Federaalka iyo kuwa Galmudug oo is kaashanaya, kuwa iyo Ahlu Sunna oo dhinac ah ayaa geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka saaka ayaa dadka ku dhintay waxaa ka mid ah taliyihii garoonka diyaaradaha  Dhuusamareeb ee ciidanka nabad sugida, Cabdiqani Maxamed Diiriye. Marxuumka ayaa qeyb ka ahaa saraakiisha hoggaamineysa dagaalka ay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ku qaadeen magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Cabdiqani ayaa daqiiqado ka hor geeridiisa Facebook-ga ku soo qoray ‘ama geeri ama gurigeyga’, wuxuuna ugu dambeyn ku dhintay dagaalkii qaraaraa ee ka dhacay halkaasi.

Dagaalka ka socda Guriceel ee lagu qaaday Ahlu Sunna ayaa noqday mid lagu hoobtay, iyadoo shalay uu dhacay khasaare ballaaran oo ay ku dhinteen 7 sarkaal, maantana uu jiri khasaaro kale.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaase weli is horfadhiya ciidamada labada dhinac, kuwaas oo wada is uruursi yo sidoo kale dhaq-dhaqaaqyo milatari iska soo horjeedo.

About The Author