Hay’ada Socdaalka Iyo Jinsiyadaha oo loo magacaabay Agaasime Cusub

31 Okt 2021 (Puntlandes) Kulan ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda XFS ayaa lagu ansixyay in C/qaadir Cilmi Cali (Cabdul) uu noqdo Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha kadib soo jeedin Wasaaradda Amniga Gudaha iyadoo xilkii laga qaaday Agaasimihii hore Maxamed Aden Koofi.

Gollaha Wasiirada ayaa sidoo kale ansixiyay in Eng Abdulkadir Aden Maxamuud inuu noqdo Guddoomiyaha Batroolka Soomaaliyeed kadib soo jeedin Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.
Agaasimaha cusub ee Hay’adda socdaalka iyo Jindiyadaha DF Soomaaliya ayaa loo magacaabay Abdulkadir Elmi (Cabdul), oo ay isku saami qeybsi kasoo jeedaan Max’ed Aden Koofi oo xilkan u hayay.

Agaasimaha cusub ayey Ra´iisul Wasaare Rooble  ka wada shaqayn jireen ILO Soomaaliya, iyagoo saaxiibo dhow ahaa wuxuuna Rooble u ahaa latalinta doorashooyinka ee xafiiska RW.

About The Author