Beenin In Gaagaab u socdo Cadaado

2035c

Waxaa ilaa shalay ay dad badan isla dhex marayeey Barta Bulshada ku xiriirto ee Facebook ga qoraalo lagu leeyahay Maxamuud Cali Yusuf Gaagaab ayaa u socda Degmada Cadaado isagoo isu sharaxi doona Madaxweyne ku xigeenka maamulka ka soo socda cadaado ee aanba Sharuudii Dastuuriga hayd buuxin.

Waxaa intaas lagu sii daray in Mr Gaagaab oo soo noqday madaxweyne ku xigeenka Puntland uu go’aansaday in uu Gobolka Mudug israacsho kuna daro Gobolka Galgaduud isagoo ka goynaya Puntland. Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in warkaasi uusan jirin yahayna wax xaqiiqda ka fog. Mr Gaagaab na uusan u socon kana fakarayn in uu aado Cadaado.

Mr Gaagaab iska daa in uu madaxweyne ku xigeen u doonto Cadaado iyo CabdiQaybdiid e kama suurtowdo in haddii ay ku baryaan uu ka qaato madaxweynaha maamulka Cadaado ka soo socda. Qofka siyaasadiisu waa qaldanaan kartaa laakiin ma mudna in waxuusan ahayn lagu shaabadeeyo Mr Gaagaab na waa muwaadin reer Puntland ah wax badana u soo qabtay waxna ka ilaalinaya jiritaankeeda.

Ugu dambayntii waynu kala aragti duwanaan karnaa laakiin waa muhiim in aynu is Xushmayno.

Puntlandes.com

About The Author