Cirro oo u jawaabay madaxweyne Muse Bixi

21 Nov 2021 (Puntlandes) Guddoomiyihii hore ee Xisbiga WADDANI ahna Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa qoraan uu spoo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu uga jawaabay hadalkii eedaynta ahaa ee uu madaxweyne Muuse Biixi ka jeediyey munaasabaddii xarigjarka Garoonka Diyaaradaha ee Berbera.

Hoos ka akhriso qoraalka musharax Cirro, hoosna ka daawo eedayntii madaxweyne Muuse Biixi:

Madaxweyne Muuse waan uga mahadcelinayaa in uu Shacabka Somaliland shalay u sheegay in aan ahay Madaxweynaha isaga beddeli doona, muddo 4 sanno ah oo aad Madaxweyne Qaran ahayd ka bacdi, khubadaaddii shalay waxa ay Shacbiga tustay in aad weli joogto Xaruntii Xisbiga KULMIYE ee aad Guddoomiyaha ka hayd, kana korin shirarkii jaraa’id ee aad suuqa ku qaban jirtay.

Shacabku waxa ay kaa filayeen in aad si weyn uga hadli doontid arrimaha geeska, dhaqaalaha dalka, maciishaddan qaaliga ah, siyaasadda gudaha & dibedda, iyo arrimaha Doorashooyinka. Ummaddu kaama ay filayn yooyootan iyo xajiimo hor leh oo aan munaasib ku hayn madasha aad joogtay.

Waxa aan ahay shakhsi aqoon u leh arrimaha Dawladdnimada mana ihi nin ku xad-gudba sharafta Madaxda, waxaas’e yaab Umadda iyo annigaba ku noqotay in aanad hal mar xusin Madaxweyne Siilaanyo shacabkana aanad dib u xassuusin in libinta Madaarka Berbera uu isagu lahaa. Xisbi ahaan marnaba maanu diidaneyn wixii Qaranka u soo kordha ee waxa aanu diidaneyn qaabki Xisbigaaga KULMIYE u qardo jeexayey ee baal-marsaneyd sharciyadda dalka.
________________________________________
Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI.
Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Puntlandes.com

About The Author