Sawirro: Puntland oo dil ku xukuntay xubno ka tirsan Alshabaab

21 Nov 2021 (Puntlandes) Maxkamada ciidamada qalabka sida denbiyada culus ee 5ta gobol dowlada puntland ee magaalada Boosaaso ayaa 2 xubnood xukun dil ku xukuntay kadib markii lagu Hellay ka mid ahaanshaha kooxda Alshabaab, halka 3 Kalena Xoriyadooda loo celiyey kadib markii lagu waayey tuhunkii laga qabay.

Maxamuud Cabdiraxiin Cabdulqaadir iyo Cismaan Madeey Cismaan oo lagu qabtay weerarkii Alshabaab ku qaadday xabsiga Bosaso ayaa lagu xukumay dil toogasho ah.

Maxkamadda ayaa fursad u siisay labada xukmane in ay mudda 30 cisho ah Rafcaan ku qaadan karaan. Weerarkii xabsiga Boosaaso oo dhacay 5 May 2021 ayaa Al-shabaab looga qabtay xubno ay ku jiraan kuwa hadda la xukumay.


Puntlandes.com

About The Author