Sawirro: Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo loo dhaariyay xilalka

22 Nov 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane SiciidWasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda FS Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamuud Cabdi Xasan Pekos ayaa Munaasabad ka dhacday Xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda Golaha Shacabka ee Villa Hargaysa waxaa loogu dhaariyey xilka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Ka dib munaasabadda dhaarinta, Wasiirka iyo Wasiir Ku-xigeenka ayaa booqasho iyo salaan ugu tegey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka FS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cabdisaciid Muuse Cali ayaa khamiista oo taariikhdu tahay 25 November, xilka kala wareegi doona Wasiirkii hore, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.


Puntlandes.com

About The Author