Sawirro: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo gaaray Gobolka Sanaag

23 Nov 2021 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo gaaray Gobolka Sanaag ayaa kormeeray Jiida hore ee Ciidamada difaaca ee Kal-gubataale ee Gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha oo safarkiisa uu la xiriiro dhiiri gelinta Ciidamada difaaca ayaa u kuur galay xaalada Ciidanka iyo baahiyahooda, waxaana uu ku bogaadiyey shaqada ay dalkooda u hayaan.

Kormeerka Guddoomiyaha ee Jiida hore Kal-gubataale waxaa ku wehlinayey Taliyaasha kala duwan ee Guutooyinka Ciidamada Dawladda Puntland ee Gobolka Sanaag.


Puntlandes.com

About The Author