Shiikh Shariif oo war-saxaafadeed uu ka soo saatay Doorashada Golaha Shacabka 2021 walaac ku muujiyey

24 Nov 2021 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war saxaafadeed uu soo saaray walaac uga muujiyay qaabka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka.

Qoraalka ayuu ugu horeyntii ku soo dhaweeyay Shariif Sheekh Axmed bilaabashada doorashada golaha shacabka isagoo ka digey in dib u dhac uu ku yimaado waqtiga loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo.

Hase yeeshee waxa uu qoraalkiisa uu ku sheegay in ay jiraan cabshooyin badan oo ku aadan hannaanka doorashada loo maamulayo taasoo keeni karta muran la xiriira natiijada doorashada.

Hoos ka akhriso saxaafadeed Musharax Shariif Sheekh

Puntlandes.com

About The Author