Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal (GHDHF) oo war kasoo saaray cabashada laga muujiyey habkay doorashadu ku socoto

24 Nov 2021 (Puntlandes) Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal (GHDHF) oo war-saxaafadeed kasoo saaray cabashada laga muujiyey habkay doorashadu ku socoto. Guddigu waxay sheegeen in ay ku shaqeynayaan Habraacyadii August ee wadajirka loo gaaray loona soo dhaweeyey oo aysan ku shaqeyn wax gaar ah.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka guddiga:

WAR SAXAAFADEED
Taariikh: 24-November-2021
Waxaa si habsami leh u socda Doorashooyinka golaha shacabka Soomaaliya oo soo bilaamatay 1 November 2021ilaa haddana toban kursi ayaa doorasho loo galay siday natiijooyinka hor dhac ahi tilmaamayaan. Waxaa kale oo inoo dhamaaday kuraastii Aqalka Sare.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal (GHDHF) wuxuu ku shaqeynayaa hanaan waafaqsan habraacii ay soo saareen madatasha wadatashiga qaranka, iyadoo aysan jirin habraac kale oo siyaasi, maamul ama masuul siyaasadeed soo saaray oo lagu dhaqayo doorashada, hanaankaas oo ay si wada jir ah u saxiixeen madaxweynayaasha maamullada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Ra’isuulwasaaraha Soomaaliya.

Doorashada oo wakhtiyo kala duwan dib u dhac ku yimid, ayaa wakhtiga kama danbaysta ah ee guddigu u asteeyey in lagu soo gebagebeeyo ay tahay 24 Disembar, 2021, Haddaba guddiga oo ilaalinaya hufnaanta iyo shuruucda doorashada, waxaan siyaasiyiinta iyo cid kastoo danaynaysa doorashada u sheegaynaa in wax kastoo cabasho ah oo ka soo baxday kuraastii la doortay uu dib u eegi doono guddigu, doorasho kasta oo aan waafaqsanayn hanaanka loo asteeyey in loo maro guddiga xulista ergada iyo ergada wax dooranaysa uu noqon doono mid dhab ah loo baadho, go’aan ku haboonna laga gaadhayo.

Haddaba si looga fogaado wax is daba marin iyo daah furnaan la’aan doorashada ku dhacda, waxaa guddigu farayaa guddiyada doorashooyinka heer maamul goboleed in ay dhowraan, ishana ku hayaan daah-furnaanta, caddaaladda, xeerarka iyo habraaca doorashooyinka hadda socda.

Guddiga ilaa iyo hadda waxaa soo gaaray cabashooyin iyo talooyin ku aaddan doorashooyinka socda. Sidaadarteed, wuxuu guddigu ku samaynayaa badhitaanno dhammaan cabashooyinka. Waxaan bulshada Soomaaliyeed u sheegaynaa in wax kastoo baal marsan hufnaanta doorashada uusan guddigu marna aqbali doonin. Annagoo ugu baaqayna tartamayaasha iyo daneeyayasha doorashada in ay wixii cabasho ah u maraan hanaanka loo dejiyey in wax looga qabto murannada doorashada, iyadoo ay dhisan yihiin guddiyaddii loogu tala galay in ay wax ka qabtaan.

Guddiyada doorashooyinka maamulaya waa guddiyo ka madax-bannaan siyaasadda iyo fara-gelinta siyaasi. Sidaa awgeed, waxaan faraynaa dhammaan guddiyada in ay waajibaadkooda u gutaan si madax-bannaan oo caddaalad ah. Waxaa kale oo aan madaxda Qaranka ku boorinaynaa in ay u madax baneeyaan hawlahooda doorashada, ayna ka caawiyaan adeegyada muhiimka ah ee ay u bahan yihiin, sida amniga iyo taakulaynta saad.

Ugu danbayn, waxaan ummadda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ugu baaqaynaa in ay guddiyada ku gacan siiyaan gudashada waajibaadkooda, si ka madax banaan fara gelinta siyaasadda iyo in ay shaqadooda u gutaan si hufan. Si doorashada golaha shacabku ugu dhammaato wakhtigii loogu tala galay, iyadoo marxaladdaan looga gudbi karo in doorashadu wakhtigeeda ku dhammaato, lana soo dhiso baarlamaanka 11.

**DHAMAAD**

About The Author