Daawo muuqaal: Midowga Musharaxiinta oo goaan adag kasoo saaray doorashada

25 Nov 2021 (Puntlandes) Kulan ay iskugu yimaadeen inta badan xubnaha Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dhaliilay hanaanka doorashooyinka dalka ay ku socoto.

Kulanka oo uu shir guddoominayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa diirada lagu saaray doorashada Golaha Shacabka oo ka bilaabatay dalka.

Musharaxiinta ayaa sidoo kale uga wada-hadlay cabashooyinka iyo walaaca laga qabo doorashooyinka socda qaarkood, kuwaasi oo laga qaloociyey hanaankii saxda ahaa ee loogu tala-galay.

Afhayeenka Midowga Musharrixiinta Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin in sida ay hadda wax ku socdaan uu dalka ka ridayo bur-bur baahsan oo aan la mahdin.

“Waxaa rabnaa in bulshada Soomaaliyeed iyo aduunka intiisa kale la wadaagno waxaa si buuxda ugu qanacsanahay sida ay ilaa hadda wax ku socdaan waxa ka dhalan kara ay tahay bur bur baahsan oo dalka Soomaaliya ku habsada, oo aan rabin in uu dhaco anaga oo nool oo wax ka qaban karo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in doorasho boobka ka bilowday dalka uu meel xun gaarsiinayo Soomaaliya, islamarkaana aysan marnaba aqbali doonin oo ay uga gudbi doonaan hanaan midkan ka gedisan, sida uu hadalka u dhigay.

“Midowga Musharaxiinta waxa uu sameyn doono kulamo joogto ah oo maalmaha soo socda dhaca, oo uga tashanayno samata-bixinta bulshada Soomaaliya ee hanaanka boobka iyo burburinta looga samatabixinayo.”

Waxa uu sheegay in kulamo kala duwan ay la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada, Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha ciidanka, maadama uu Golaha isla qaatay in laga horyimaado hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka.

“Sababta aan iskugu imanay waxay tahay sida ay wax u socdaan in ay aad iyo aad u qaldan taahy, waxay tahay in aan samatabixin ka hadalno oo anaga iyo bulshada qeybaheeda kala gedisan uga gudubno hanaanka guracan.”

Golaha Midowga Musharaxiinta oo in muddo ah aan si wada-jir ah uga hadlin hanaanka doorashada ayaa xiligan u muuqda inay si mideysan u wajahayaan arrimaha doorashooyinka, oo mad-madow badan ku gadaaman yahay.

About The Author