Taliyaha KMG ah ee NISA Yaasiin Fareey oo ku Guuleystey doorasho ka dhacday Dhuusamareeb

25 Nov 2021 (Puntlandes) Yaasiin Cabdullaahi Farey Taliyaha KMG ah ee NISA ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#067 ee golaha shacabka BJFS isagoo kaga guuleystay tartanka Maxamed Cali Culusoow.

Tirada guud ee Ergada codeysay waa 91 qof, Yasiin Cabdullahi Maxamuud wuxuu ku Guleestay 68 ,Maxamed Cali Culusow wuxuu helay 20 cod, 3 cod wey halaawday.

Kursigaan oo khilaaf xoog leh uu ka dhashay ayaa waxaa dacwad ka gudbiyay musharaxiin dooneysay inay ka qeybgalaan tartanka.

About The Author