Daawo Muuqaal: Boqor Burhaan oo ugu baaqay dowladda Puntland inay wadahadal ku dhamayso khilaafka hay’adda PSF

27 Nov 2021 (Puntlandes) Boqor Burhaan Boqor Muuse oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Bosaso ayaa ugu baaqay dowladda Puntland inay wadahadal ku dhamayso khilaafka hay’adda PSF.

Boqor Burhaan ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in dagaal looga jawaabo xiisadda ka taagan magaalada Bosaso.

Xiisadda Bosaso ayaa ka dhalatay kadib markii Madaxweyne Siciid Cabulaahi Deni uu xilka qaadis ku sameeyay Agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Diyaano kaas oo ka horyimid Xilka qaadista.

Qaar kamid ah Isimada Puntland oo Boqorka weheliyay ayaa dhankooda ku baaqay in Nabadda lagu dadaalo islamarkaan wada-hadal lagu dhammeeyo xiisadda taagan.


Puntlandes.com

About The Author