Guddiga Doorashada Heer Federal oo hakiyay doorashada kursiga HoP103)

27 Nov 2021 (Puntlandes)  Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka Heer Federal aya lagu hakiyay kadib cabasho habraaca loo maray kursiga tirsigiisu kor ku xusan yahay 103.

Kursigan oo deegaan doorashadiisu yahay magaalada Baydhabo ayaa waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Cismaan Jawaari.

Hase yeeshee Jawaari ayaa sheegay in loo diiday inuu u tartamo kursigaas. Waa markii ugu horeysay ee uu guddiga doorashooyinka tallaabo ka qaado cabasho laga keeno kuraasta loo tartamayo.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka lagu hakiyay kursiga 103.

Ku: Guddiga Doorashooyinka (SEIT) Koonfur Galbeed
Og: Guddiga Xalinta Khilaafaadka
Og: Madaxda Maamul Goboleedyada
Og: Raysalwasaaraha – JFS

Ujeedo: Hakin doorashada kursiga (HoP103)

Waxaa mahad iyo bogaadin u soo jeedinayaa guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo si hagar la’aan ah u wada hawsha doorashada, iyadoo maanta ay kuraastii doorashada golaha shacabka ee ugu horaysay ay ka dhacayso Baydhabo.

Haddaba iyadoo ay ka imanayso cabasho habraaca loo maray kursiga tirsigiisu kor ku xusan yahay, iyadoo guddigu (FEIT) saaka ka yeesheen shir ayaa ay isku raaceen in la hakiyo doorashada kursigaas, haddaba waxaan faraynaa guddoonka iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed in la joojiyo qabashada doorashada kursiga tirsigiisu yahay 103 ilaa amar danbe.

Haddaba, amarka hakintaani wuxu soconayaa ilaa inta guddigu ka xalinayo tabashooyinka ka soo yeeraya habraaca loo maray.

Puntlandes.com

About The Author