Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka hadlay Baarlamanka ay yeelatay Jubbaland

Madaxweynaha DFS Mudane Xassan Sheekh ayaa ka hadlay Xildhibaanada cusub ee Baarlamanka Jubbaland. Xassan Sheekh ayaa sheegay in DFS ay xalinayso wax uu ku sheegay Cabashooyin ka dhashay hannaanka xulista Xildhibaanada Baarlamanka Jubbaland,si buu yiri Beel kasta ay u hesho Saamiga ay leedahay waa siduu hadalka u dhigaye.

Madaxweyne Xasan ayaa yiri mar uu ka hadlayey ’’“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay Maamulka KMG ee Jubba kala shaqeyso sidii loo xalin lahaa cabashooyinka ka dhashey hanaanka xulista baarlamanka ee maamulka, waxaana ujeedku uu yahay in beel kasta ay hesho saamiga ay xaqa u leedahay, baarlamankanina uu noqdo mid dadka oo dhan ay iska wada arkaan’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynuha ayaa sidoo kale soo dhowayey dhismaha Baarlamanka Jubbaland, arrintaasi oo uu ku tilmaamay inay saldhig u tahay hirgalinta Nidaamka Federaalka.

“Waan soo dhoweynayaa talaabada horey loo qaadey ee dhismaha baarlamanka maamulka Jubba. Waxay tani ka tarjumeysaa sida ay inooga wada go’an tahay dhameystirka nidaamka Federaalka ee dalkeena’’Ayuu yiri.

Baarlamanka Jubbaland ayaa waxaa horay uso dhoweeyay Beesha Caalamka iyo Soomaalida doonaysa hirgalinta Nidaamka Federaalka. Waxaana xusid mudan in maalmihii u dambeeyey ay magaalada Muqdisho ka socotay olole lagu diidan yahay Baarlamaankaas.

Puntlandes.com

About The Author