Madaxweyne Deni oo magacaabay guddoomiyaha hay’adda waddooyinka dowladda Puntland

29 Nov 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee November 29, 2021 kuna Saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka ee Dowladda Puntland.


Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: baahida loo qabo horumarinta Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.
Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Shaqo.

Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Cabdifataax Maxamed Sugulle loo magacaabay Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Dowladda Puntland.
2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna Saxiixay.

DHAMMAAD

About The Author