Daawo Muuqaal: Rooble oo habka fogaan aragga shir uu ku canaantay kula yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka

29 Nov 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo habka fogaan aragga shir kula yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka, ayaa faray in ay ilaaliyaan hufnaanta doorashada iyo wadashaqeynta dhexdooda ah, si doorashadu u noqoto mid lagu kalsoonaan karo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo barta uu ku leeyahay Facebook ku yiri sidaan hoose:

Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadku waxay leeyihiin waajibaad shaqo oo ay tahay in ay si hufan uga soo dhalaalaan.
Waxa ugu weyn ee shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan waa in ay si hufan oo caddaalad ah u maamulaan doorashada iyo xallinta murannada ka dhasha, si waafaqsan habraacyadii lagu heshiiyay oo caddeynaya cid walba in kaalinteeda doorashada .

Waxaan ku boorriyay in aysan cid gaar ah u eexan, qaadan kaalin aysan lahayn, xoojiyaan wadashaqeynta dhexdooda ah, isla markaana aqbalin faragelin sharciga baal marsan, si doorashada ay maamulayaan u noqoto mid hufan oo lagu kalsoonaan karo.


Puntlandes.com

About The Author