JUXA “FARMAAJO OO AFGEMBIYEY VILLA SOMALIA 21 SANO OO DAWLAD-DHIS AH KA DIB”

26 dec 2021 (Puntlandes) Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa ka falceliyey qoraalkii xalay ka soo baxay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday, kaas oo ahaa inuu la wareegay daadihinta doorashada kadib markii uu Rooble fashilmay.

Hoos ka akhriso qoraalka Juxa:

Waxaa xalay 26/12/21 saqdii dhexe Maxamed Cabdullaahi Farmajo soo saaray wareegtadii 1-aad ee Afgembiga oo uu ku laalayo heshiiskii iyo Hannaankii Doorashooyinka Soomaaliya iyo RW Rooble labadaba, taas oo ahayd waxa keli ah oo xilligan heshiis lagu yahay.

Waxaa si buuxda u istaagay Hannaankii Dastuuriga iyo Dawlad-dhiska Soomaaliya ee ka soo bilowday CARTA 2000-2017, waxaana bilowday bog cusub oo Taariikhdu MAGAC GAAR AH u bixin doonto.
Maanta waxaa keli ah oo jira FARMAJO oo muddo-xileedkiisu dhamaaday sannad kahor oo VILLA SOMALIA dhex fadhiya iyo Dawlad-goboleedyo badankoodu kala aragti ah, VILLA Somaliyana aysan saamayn ku lahayn.

Kani waa Afgembigii 2-aad ee taariikhda siyaasadda Somalia, kii horena weli lagama soo kaban boogihii iyo haarihii ka dhashay.

Puntlandes.com

About The Author