Wasiirka Amniga oo amray in uusan taliyaha ciidamada Badda dalka ka bixi karin

26 dec 2021 (Puntlandes) Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ku amray Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya in aanu safri karin Sarkaalka lagu magacaabo Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ah Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in taliyaha ciidamada Badda uu qorsheenayo inuu Dalka ka baxo maadaama loo heysto xadgudub uu kula kacay madaxda Qaranka.

Sidoo kale, Wasiirka Cabdullaahi ayaa sheegay in Taliyaha ciidamada Badda loo heysto hanti ay leeyihiin Dad Shacab ah isla markaasna loo hayo caddeymo ku filan uuna diiday inuu soo wareejiyo.

Amarka kasoo baxay wasiirka Amniga ayaa kusoo aadayo xilli guddi loo saaray inay baaraan hadalkii dhawaan uu sheegay taliyaha Ciidamada Badda ay sheegeyn inuu ahaa hadal sharaf dhac ku ah madaxda Qaranka isla markaasna ay ku baaqeen in xilka laga qaado.

Sidoo kale, warqadda kasoo baxday wasiirka Amniga ayaa kusoo aadeyso xilli uu khilaaf culus soo kala dhex galay madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Rooble.

Puntlandes.com

About The Author