Koonfur Galbeed oo shaacisay inaysan ka qaybgalayn Shirka RW Rooble

26 dec 2021 (Puntlandes)  Dawladda KGS ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegay inaysan diyaar u ahayn ka qeyb galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hore u iclaamiyay Ra’iisul wasaare Maxamed Xueen Rooble.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay KGS inay diyaar u yihin ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday.

Hoos ka akhriso qoraalka:

KGS kama qeybgalayso shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha”

Baydhabo, 26ka Diseembar 2021: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) wuxuu caddeynayaa in uusan kasoo qeybgali doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Go’aankan wuxuu ka dhashay keddib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qeybiyay.

Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay diyaar u tahay ka qeybgalka baaqa Madaxweynaha si looga tashado sidii lagu samatabixin lahaa geeddiga socodka doorashooyinka dalka.
DHAMMAAD

About The Author