Puntland oo shaaciyay inay ka qaybgalayso Shirka Golaha Wadatashiga

26 dec 2021 (Puntlandes) Dawladda Puntland ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegay inay diyaar u tahay ka qeyb galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hore u iclaamiyay Ra’iisul wasaare Maxamed Xueen Rooble.

Qoraalka Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay qabashada doorashada Golaha Shacabka, hoos ka akhriso qoraalka:

Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo RW Maxamed Xuseen Rooble.
Dowladda Puntland waxay kaloo caddeynaysaa in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.

 

About The Author