Guddoomiyihii hore Aqalka Sare oo soo jeediyay in lagu dhawaaqo natiijada guud ee doorashada Xildhibannada Aqalka sare si loo qabto fadhigooda ugu horreeya

26 dec 2021 (Puntlandes)  Guddoomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi ayaa soo jeediyay maadaama la dhammeystiray doorashada xubnaha Aqalka Sare in lagu dhawaaqo natiijada guud ee doorashada xubnaha Aqalka Sare, si loo qabto fadhigii u horreeyay, ayna doortaan Guddoon iyo Guddi hoosaadyadooda, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, ayna gacan ka geystaan samata bixinta marxalada adag ee uu dalku marayo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in muddo xileedka Madaxweynaha ay tahay afar sano, sidaas darteed uu muddo xileedkiisa ku ekaa Madaxweyne Farmaajo 7 Febraayo 2021.

Waxaa kaloo uu caddeeyay hadalkii ka soo yeeray Guddoomiye Maxamed Mursal uu ahaa mid aan sharciyad laheyn oo dalka u horseedaya halis amni daro iyo dagaal la mid ah midkii dhacay 25 April 2021.


Puntlandes.com

About The Author