Jubaland oo shaaciyay inay ka qaybgalayso Shirka Golaha Wadatashiga

26 dec 2021 (Puntlandes) Dawladda Juband ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegay inay diyaar u tahay ka qeyb galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hore u iclaamiyay Ra’iisul wasaare Maxamed Xueen Rooble.

Hoos ka akhiso qoraalka:

Dowlada Jubaland mar walba waxay diyaar u tahay dardar galinta howlaha doorashooyinka oo fursad weyn u ah shacabka Soomaaliyeed inay kaga baxaan xaaladan adag ee dalku ku jiro.

Waxaa meel wanaagsan maraya dadaalada ay guddiga doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ay ku bilaabayaan doorashooyinka aqalka hoose ee baarlamaanka oo si wanaagsan uga socda Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland.

Jubaland waxay diyaar u tahay, kana qeybgalaysaa shirka Golaha wadatashiga qaran ee arimaha doorashooyinka ee garwadeenka uu ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo aan rajo weyn ka qabno in ay kasoo baxaan go’aamo waxtar u leh Shacabka Soomaaliyeed.

About The Author