Ciidanka Madaxtooyada oo Kala qaybsamay iyo Rooble si nabad ah ku xafiiskiisa

27 dec 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka iyo Taliyeyaasha Ciidanka ayaa si lug ah ku tagay Xafiiskiisa oo ku yaalla gudaha Madaxtooyada, kaddib markii saaka la isku dayay in Xafiiskiisa lala wareego.

Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada ayaa isku dayay inay Xafiiska la wareegaan kalana diraan Shaqaalaha, iyadoo isku daygaas markii dambe uu fashilmay, kadib markii ay Ciidamada Madaxtooyadu u kala qaybsameen labo qaybood.

Kala qaybsanaanta ciidanka Madaxtooyada ayaa keenay inuu Rooble si nabad ah ku xafiiskiisa. Farmaajo ayaa saaka ciidamo badan ku wareejiyey xafiiska Rooble kuwaas oo ugu dambayn kala qaybsamay.

About The Author