Daawo Muuqaal: Rooble oo la wareegay mas’uuliyadda dalka, amarna siiyey ciidamada

27 dec 2021 (Puntlandes) Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa tallaabooyinka uu qaaday Xalay iyo Maanta Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sheegay inay yihiin Afgambi.

“ Talaabooyinka uu qaaday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay yihiin isku day bareer ah oo lagu afgambinayo dowladnimada, Dastuurka  iyo sharciyada dalka u yaalo”.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa shegay in Farmaajo uu Saaka weerar ciidan kusoo qaaday xafiiska Ra’isulwasaaraha iyo midka Golaha Wasiirada, wuxuuna yiri “Farmaajo ka sokow inuu shuruucda Dalka ku xadgudbay wuxuu Saaka weerar ciidan kusoo qaaday xafiiska Ra’isulwasaaraha iyo Golaha Wasiirada, isagoo isku dayey inuu ka hor joogsado inay gutaan waajibaadkoodii Qaran”

Rooble ayaa tallaabooyinka uu qaaday Farmaajo ku sheegay inay yihiin kuwa lagu carqaladeenayo doorashada dalka ka socota.

“ Ujeedada uu ka leeyahay tallaabooyinkaan gurican ee sharciga baalmarsan waa inuu ku carqaladeeyo doorashada dalka ka socota si uu xafiiska ugu sii joogo si sharci darro ah si lamid ah isku daygii fashilmay  ee Bishii April ee Dalka lagu dumin rabay”.

Ra’isuwlasaare Rooble ayaa sheegay maadama uu Farmaajo go’aan ku gaaray inuu burburiyo hey’adaha Dowladda uu Shacabka Soomaaliyeed u caddeynayo in xukuumadda ay gudaneyso waajibaadka ka saran xaaladda kala guurka ee Dalka ku jiro.

“ Maadaama madaxweynihii hore ay muuqato inuu go’aan ku gaaray inuu burburiyo hey’adaha Dowaladda isagoo aan heysan sharciyad waxaa Shacabka Soomaaliyeed u caddeynayaa in xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gudaneysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah , gaar ahaan xilliga kala guurka ah ay si buuxda mas’uul uga tahay hoggaaminta iyo hagista dhammaan howlaha hey’adaha kala duwan ee Qaranka”.

Dhammaan ciidamada kala duwan ee Dowladda ayuu ku amray inay isaga ka amar qaataan, wuxuuna ku hanjabay inuu tallaabo adag ka qaadi doono ciddii amarkiisa diida.

Rooble ayaa sheegay in Farmaajo uu kamid yahay musharixiinta u taagan xilka madaxweyne, wuxuuna ugu baaqay inuu faraha kala baxo howlaha doorashada.

“ Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida aan la wada socono waa musharax madaxweyne , waxba ugama duwana musharixiinta kale ee xilkaan u taagan, waxaana u caddeynayaa musharax ayaad tahay, gees u istaag sida musharixiinta oo kale kursigana u tartan, ciidamada kama amar qaadan karaan wax amar ahna ma siin karo maadama uu doonayo inuu awoodaha Qaranka uga faa’idesto musharxnimadiisa una burburiyo dowladanimada haddii uu waayo dantiisa shakhsiga ah taasoo ah waan boobaa ama waan badanaa”.

“Waxaan caddeynayaa inay iga go’an tahay inaan Dalka u horseedo doorasho hufan isla markaasa awoodda Dalka si nabad ah lagula kala wareego si looga baxo cakirnaanta siyaasadeed ee uu Dalka geliyey madaxweynihii hore.”

Hoos ka daawo shirkii jaraa’id ee Rooble

Puntlandes.com

About The Author