Sawirro: Agaasimaha Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland Gen. Aamiin Xaaji Khayr oo booqday Ciidanka PSF ee Buuralayda Gal-Gala

30 dec 2021 (Puntlandes) Agaasimaha Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland Gen. Aamiin Xaaji Khayr ayaa shalay booqasho ku tagay Jiidaha hore ee Ciidanka PSF ee Buuralayda Gal-Gala.
Agaasimaha kormeerkiisa ayaa waxaa ku weheliyay saraakiisha ciidanka difaaca dowladda Puntland ee PSF iyo qaar ka mid ah masuulinta maxkamada ciidamadda qalabka sida ee dawladda Puntland.
Ciidanka PSF ayaa ku dhawaad muddo 15 maalmood ah ku sugnaa fariisimahoodii hore ee difaaca buuralayda Gal-Gala kadib muddo ay ka maqnaayeen, kadib markii madaxweynaha dawladda Puntland uu xilka ka qaaday Agaasimihii hore PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Dhinaca kale ciidanka PSF iyo Saraakoodha sare ee ayaa sheegay inay mar walba u taagan yihiin difaaca Puntland taasoo ah wixii loo aas’aasay, iyagoo sheegay inay ka xunyihiin shaqaaqooyinkii Bosaso ka dhacay ee loo isticmaalay magacooda.



Puntlandes.com

About The Author