Taliska NISA oo uga digay Ciidamada inay ku milmaan Siyaasadda

30 dec 2021 (Puntlandes) Taliska NISA ayaa uga digay Ciidamada inay ku milmaan Siyaasadda iyo in la siyaasadeeyo waajibaadka Ciidamada.

Tallaabadan ayaa qeyb ka aheyd go’aano saacadihii la soo dhaafay ka soo baxay Talisyada ciidanka xoogga dalka iyo Booliska oo ay ciidamada uga digeen inay ku milmaan siyaasadda, sidoo kalena ay jireen baaqyo ka imaanayay Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka iyo Taliska AFRICOM oo ahaa in Ciidamada dhex dhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda.

NISA ayaa sanadihii u dambeeyay si weyn ugu milneyd arrimaha siyaasadda, iyadoo la xusuusto in hoggaankii hore ee hey’addaas uu ku lug lahaa arrimaha siyaadadda dalka, gaar ahaan Agaasimihii hore Fahad Yaasiin iyo Kaaliyihiisa C/llaahi Kulane.

Puntlandes.com

About The Author