Gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay Gobolka Mudug ma Tigey raadkiisii buu qaaday?

Madaxweynaha Puntland ayaa gudoomiye cusub u magacaabay Gobolka Mudug taariikhdu markay ahayd 7 abriil 2015, wuxuuna u magacaabay Cabdulqaadir Shire Faarax.

Waxay shacabka Gobolka Mudug ka sugayeen Gudoomiyaha cusub in uu xilkana la wareego bilaabana ka shaqaynta horumarinta iyo isku xirka Gobolka Mudug. Hadaba waxaa si isdabajoog ah u soo gaaraya Warbaahinta Puntlandes shacab farabadan oo ka soo jeeda Gobolka Mudug kuna nool Qurbaha iyo Gobolka Mudug kuwaas oo ka caraysan hab dhaqanka gudoomiyaha cusub ee loo soo magacaabay Gobolka Mudug Cabdulqaadir Shire Faarax, isagoo ilaa iyo iminka oo ay taarikhdu tahay 27 kii abriil 2015 iska fadhiya magaalada Garowe sidii ay uga barteen Gudoomiyihii hore..

Inta badan ayaa waxay lahaayeen ”waxaa markii hore Gudoomiye noo ahaa Tigey oo u dhaqmayey sidii in uu yahay Gudoomiyaha Wareega, ma aanan filayn in Gudoomiye Cabdulqaadir raaci doono dariiqii Tigey oo Garowe iska fariisan doono ee waxaan ka filaynay shaqo la taaban karo iyo isla Xisaabtan”

Waxay kaloo Warbaahinta Puntlandes u sgeegeen in ay filan waa ku noqotay markay 26 kii abriil Barta Facebooga ku arkeen sawir uu soo dhigay Gudoomiyihii hire Tigey kaasoo muujinaya Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdulqaadir Shire Faarax oo Garowe ku soo dhawaynaya Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, hoos ka eeg sawirka.

2037a

Shacabka Gobolka ayaa waxay sheegeen awalba in aysan kalsooni badan ku qabin in Madaxweyne Gaas iyo Gudoomiye cusub oo uu soo magacaabo ay wax ka qaban karaan Gobolka Mudug inta ay ka taliso Kooxda uu hogaamiyo Mr Gaadayare uuna ninka labaad ka yahay Mr Dhagaweyne, waana taas ayey sheegeen sababta uu Gudoomiyihii hore Tigey u ahaa dibadwareega.

Puntlandes.com

 

About The Author