Sawirro-Muuqaal: Madaxweyne Deni oo daah-furay hiigsiga Puntland 2040

18 Jan 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Hiigsiga Puntland 2040, oo lagu soo bandhigay Waxyaabaha ay Puntland hiigsanayso 2040, waana markii ugu horeysay ee la sameeyo qorshe fog iyo hiigsi Dowladeed Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa ay Madaxtooyada iyo Wasaaradda Qorsheynta kusoo bandhigeen waxyaabaha la hiigsanayo iyo habka casriga ah ee Dowladdu u shaqeynayso sida : *Habka danabeysan ee casriga ah ee maareynta howlaha Golaha Wasiirada (E-Cabinet).

*Habka Casriga ah ee qiimeynta iyo dabagalka (PIMES)

*Nidaamka Maareynta Adeegyada Bangiga (Digital Banking)

Kulanku intuu socday waxaa sidoo kale lasoo bandhigay Puntland iyo marxaladihii lagu aasaasay 1998 iyo hadda meesha ay marayso, guulaha laga gaaray dimuqraadiyadda Puntland, dhismaha ciidamada iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo dhammaantood laga sameeyay horumar taariikhi ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo si rasmi ah u daah-furay Hiigsiga Puntland 2040, ayaa Bulshada Puntland ugu baaqay in ay wadajir isugu diyaariyaan maanta taariikh qormeysa, oo lagu suntayo mustaqbalka Puntland 2040, si loo qaabeeyo loogana shaqeeyo Puntland kasii qurux badan maanta Halka ay joogto, nabad ah oo horumar kusii tallaabsata.

About The Author