Daawo Muuqaal: Gud Xirsi oo ku eedeeyey madaxwewayne Bixi inuu ka beensheegay balanqaadkiisii iyo arimo xasaasi ah

22 Jan 2022 (Puntlandes) Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ee Somaliland Xirsi Xaaji Xasan ayaa eedayn aad u culus oo balan ka bax ah u jeediyey madaxwewaynaha Somaliand Muuse Biixi.

Gud Xirsi ayaa yiri “ Waxa aad maqasheen isaga oo madaxweynuhu meel fagaare ah ka leh dalkeena intaas oo tan oo macdan kaarboon haydarayd ah (carbohydrates) ayaa ku jirta iyo isaga oo ku dhawaaqaya xanuuno aan wali Dunida ka dhicin sida COVID 8 oo aynaan madaxweynaha mooye cid kale ka maqal, sidaa darteed waxaan leeyahay madaxweynaha dadkaaga ixtiraam oo waxa aad ku hadlaysa ha ahaado hadal miisaaman waayo dal laguma maamulo inta aad meel soo istaagto in aad tidhaahdo wixii aad doonto..”

Xirsi ayaa sidoo kale yiri “ Xorriyaadka aasaasiga ah ee bani’aadamku waa muhiim. Madaxweynuhu isaga oo 7-dii bishii June 2020 waraysi siinayay Idaacadda VOA wuxuu sheegay in aan Somaliland qofna sharci darro lagu xidhin qof walbana wakhtiga sharcigu ogol yahay lagu hor geeyo maxkamadda, haseyeeshee warbixinta 2021 hay’adaha xuquuqal Iisaanku soo saareen waxa ku cad in xukumaddu xidhay 114 qof oo isugu jira siyaasiyiin sarsare, hal abuur, wariyeyaal iyo dad shacab ah.

Dhammaantood waxa lagu xidhay aragtidooda oo ay gudbiyeen ama warar xaqiiqo ah oo ay gudbiyeen intooda badana lama hor gayn sharciga wakhtigii ku munaasibka ahaa.Waxa intaas dheer in ay Somaliland markii u horaysay ka bilaamatay qafaalasho iyo afduub sharci darro ah.

Labadii dhacdo ee u dambeeyay waxay ahayd; inan wariye ah oo lagu qabtay Hotel-ka Casood oo qoryo loola soo baxay oo lagu haddiday oo hudheelkii lagu fawdeeyay. Khamiistii waxa ay taas mid la mid ah ka dhacday hotel-ka Maansoor oo wiil Cadnaan la yidhaa oo Xisbiga WADDANI ka tirsan ama taageere u ah lagu qafaashay oo lagu kaxaystay. Labadaba cidda kaxaystay ma aha ciidanka booliska ee leh awoodda qabashada ama wax xidhi kara laakiin, dad dharcad ah oo shicib ah oo aan warkoodu caddayn oo mararka qaarkood sheegtay sirdoon mararka qaarna la yidhaahdo inan madaxweynuhu dhalay bay ka amar qaatan sida saxaafaddu tabiso in ay suuqa dadka ku qabqabtaan waa ayaan darro..”

About The Author