Xubnihii golaha degaanka Qardho oo shuruudo lagu xiray

22 Jan 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha Gobolka Karkaar, Cabdi Siciid Cismaan ayaa soo saaray shuruudo lagu kala reebayo xubnaha Golaha Degaanka, ee ku soo baxay Doorashadii qof iyo cod, ee ka dhacday degmada Qardho.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha, ayaa lagu sheegay in Golaha Degaanka Qardho aysan ka mid noqon doonin ciddii aan buuxin Shuruudahaas, islamarkaana aysan ka qayb geli doonin Doorashada Duqa degmada.

Shuruudaha lagu xiray xildhibaanadii ladoortay ee Golaha Deegaanka Qardho ayaa waxaa ka ka mid ah:

1- In qofku sumcad wanaagsan leeyahay

2- Warqadda dambi-la’aanta ee waaxda C.I.D-da, uuna bixiyo $300 Dollar oo lacag ah ( Xubno cod dadweyne kusoo baxay ayaa DAMBI laga baarayaa).

3- Xubinta u sharaxan Gudoomiyaha degmada Qardho ayaa waxaa laga doonayaa Lacagta diwaangalinta $1000 Dollar, kuxigeenka Duqa waxaa laga doonayaa isna $500 Dollar.

About The Author