Garowe: Xildhibaan oo maanta Xerada 54aad lagu doortay

22 Jan 2022 (Puntlandes) Guddiga Maamulka Doorashada heer Puntland SEIT ayaa maanta qaybta 1aad ee doorashada Golaha Shacabka Dowladda Federalk Somalia ku qabtay Xerada 54aad ee magaalada Garowe, taas oo lagu doortay 5 Xildhibaan.

5ta Xildhibaan ee la doortay ayaa ah kuwo awal la saadaalinayey waxayna kala yihiin:

1-Wasiir ku xigeen Maaliyadda Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) wuxuu ku guulaystay 90 Cod , halka Abshir Cabdi Xuseen uu helay 6 Cod, HOP196.

2-Cali Yusuf Ali Xoosh oo kusoo noqday kursiga wuxuu ku guulaystay 93 Cod 99 Ergay oo fadhiyay, halka Cabdiwaaxid Abshir Ibrahim uu helay 5 Cod, HOP200.

3- Wasiirul dawlada Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Xassan Rooble wuxuu ku guulaystay 93 Cod, halka Cabdirisaaq Maxamed Ciise uu helay 3 Cod, HOP249.

4- Wasiirka Kalluumaysiga DFS Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo kusoo noqday kursiga wuxuu ku guulaystay 99 Cod, halka Cabdixakiin Jaamac Xasan uu helay 2 Cod. HOP235.

5- Axmed Cabdi Xaashi Axmed Taajir oo ah Taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Soomaaliyawuxuu ku guulaystay 98 Cod, halka Axmed Cabdisalaam Ibrahim uu helay 2 Cod, HOP166.

Kuraasta maanta Puntland lagu doortay ayaa kala ah Hop96, Hop66, Hop249, Hop200 iyo Hop235, guud ahaan waxaa Garowe taal 21 kursi doorashadood.

About The Author