Guddoomiyaha ONLF ayaa u mahadceliyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

24 Jan 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha JWXO Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Mahdi (Maaddeey) Oo Warsaxaadeed Qabtay.

Guddoomiyaha Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya Mudane: Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Mahdi (Maaddeey) oo maanta xafiiskiisa Warbaahinta kula hadlayay ayaa bixiyay waraysi dhinacyo badan taabanayay.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn u mahad-celiyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hormuudka ka yahay Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo golihiisa wasiirrada oo shalay laalay Go’aankii sharci-darrada ahaa ee lagu dhiibay Naftii-hure Cabdikariim Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax 18/8/2017 iyo midkii golaha wasiirrada ee xukuumaddii Xasan Cali Khayre ay JWXO ugu aqoonsatay inay tahay urur Argaggixiso, kaasi oo Golaha Baarlammaanka Soomaaliya ay diideen.

Waraysiga Guddoomiyaha oo dhinacyo badan taabayay ayuu sidoo kaga hadlay xaaladda guud ee Geeska Afrika, midda Itoobiya iyo xaaladaha abaareed ee Degaanka Soomaalida ka jira.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha ayaa ka jawaabay su’aalo ay warbaahintu ka waydiisay sida ay u aragto go’aankii taariikhiga ahaa ee ay wasiirradu qaateen.

About The Author