Daawo Muuqaal: Wasiir Beyle oo sheegay inuu kursigii uu ku fadhiyay loo doortay ku waayay arrimo la xiriira Miisaaniyadda dalka

25 Jan 2022 (Puntlandes) Wariirka Maaliyadda DFS Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo maanta shir Saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inuu ku waayey kursigii xildhibaanimo ee uu ku fadhiyey ilaalinta miisaaniyadda dalka.

Wasiirka ayaa ka mid ahaa wasiiradda aadka ugu dhow madaxweynihii muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed cabdulaahi farmaajo, isagoo dadaal badan ku guuldaraystay badbaadinta kursiga Beyle.

Beyle ayey u dambaysay doraad markii uu diiday in ONLF laga saaro liiskii ay gelisay xukuumadii Khayre oo ay ka saareen golaha wasiirada Rooble.

About The Author