Taariikh nololeedkii Gen C/laahi Cirro oo AUN ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Maraykanka

Inna lillahi wa inna ilayhi rajicuun

Alle ha u naxariistee General Cabdullahi Ahmed Cirro ayaa Xalay ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.

General Cirro ayaa ka mid ahaa saraakiishii Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana aad loogu xasuusto Istaraatijiyadii loo adeegsaday dagaalkii u dhexeeyay Somalia iyo Ethiopia ee qarnigii ina dhaafay.

Gen Cabdullahi Axmed Cirro wuxuu ku dhashay Gobolka Mudug 1939 wuxuuna ku biirey ciidamadda xooga Dalka Soomaaliyeed dabayaaqaddii kontomeeyaddii. Gen Cabdilaahi Cirro wuxuu ku qaatay aqoontiisa koobaad ee dhinaca ciidamadda Wadanka Masar isagoo kuliyada Ciidamadda ee Egayptian Militery Academy in Cairo ka qalinjebiyay 1961 isagoo takhasuskiisuna ahaa Beacholor of Militery Sceince in Affenterry and Leadership .

Mar kale C/laahi wuxuu tegey Jaamacadda magaca waynle ee Frunze Militerri Academy oo ay kasoo bixi jireen saraakiisha ugu mudan Midowgii soofeeyeeti iyo wadamadii raacsanaa , dhinaca Soomaalida jaamacadaa waxaa kasoo baxay:

– Gen Maxamed F Caydiid .

– Col Cabdilaahi Yusuf Axmed .

– Gen Salad Gabayle Kediye .

– Gen Cali Xuseen .

– Col Jaamaca Cabdilaahi Yasir .

Gen Cabdilaahi jaamacadaa oo uu kasoo qaatay shahaadada labaad ee Masters Degree wuxuu kusoo takhasusay Strategic planing . C/laahi oo sidda ilo badani xaqiijiyeen ku fiicnaa Istaraajiyadda iyo qoraalku wuxuu qorey Buugaag badan iyo waliba Sylbuskii kuliyadii Istaraajiyadda ee Ahmed gurey oo macalina ka ahaa .

Cabdilaahi mudadii uu shaqaynayay wuxuu qabtay Xilalka Hogaanka Qorshaynta ee Ciidankii xooga Dalka Soomaaliyeed , Abaanduulihii Qaybta 21aad iyo Taliyihii Qaybta 60aad oo uu ahaa 1977 ilaa 1978.

Gen Cabdilaahi oo wata Ciidamadii Qaybta 60aad oo kasoo gudbay dhinaca Gobolka Bakool oo uu la socdo Hogaankii hawlgelinta Gen Aftooje ayaa gacanta ku dhigey Magaaladda Godey 24-july 1977 .Gen Cabdilaahi Axmed Cirro oo loo yaqaaney The man of pen and war, derejadiisu waxay ahayd 1977 G/dhexe, wuxuuna Madax u ahaa Saraakishii qabatay Qabri-dahare iyo Dhagax-buur oo ay kamid ahaayeen Gen Cali Xuseen iyo Col Cismaan Shafool Allaha u naxariistee.

Xukuumadda kacaanka ee Allaha u naxariistee madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayaa u igmatey General Cabdilaahi Cirro inuu dejiyo istaraatijiyadii ciidan oo ku wajahanaa ololahii soo socday ee dagaalkii Ogaadeenya. Marka la eego taliska ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliyeed “XDS” ee ku suganaa jiida hore ee Godey, istaraajiyadii iyo ololahan uu dajiyey saraakan ayaa si sax ah u noqdey mid guullo u soo hoyiyey ciidankii Somalia sida ku xusan buuga “Dagaalkii Ogadenya” oo uu qorey Qoraa Sadeq Enow.

Guutada 60-aad ee ciidanka XDS oo uu hogaanka ka ahaa waxay ku guulaysteen inay magaalada Godey ugu xoogsheegtaan qaybtii 4-aad ee ciidamadii Itoobiya oo ahaa qayb ka mid qaybaha ugu awooda badnaa ciidankii Ethiopia ee waqtigaas. Khasaaraha ayaa ahaa mid aad u weyn, Qeybta 4-aad ee Ciidankii Ethiopiana waxay noqotey mid la burburiyey oo gebi ahaanba ku dambeysey mid howl-gab ah oo aan lahayn xoog dambe oo shaqaynaya.

Jabkii soo gaarey Qaybtii 4-aad ee ciidankii Ethiopia ee lagu naaneysi jirrey libaaxyada Afrika wuxuu ku soo beegmey mar ay taageero militeri iyo mid dhaqaale ay ka heleyeen quwadihii USSR, Cuba, Yementa Koonfureed, iyo Jarmalka Bari.

Dabayaaqadii 1977kii, Gen Cirro waxa uu Madaxweyne Maxamed Siyaad guddoonsiiyey Billad-sharafeedgeesinimo. Sawirka (Madaxweyne Barre oo gudoonsiinaya Billad Gen Cirro)

Dagaalkii Ogaden ee 1977kii ka dib Cirro waxa uu bare sare ka ahaa machadyo ciidan oo kala duwan oo Soomaaliya ku yaallay sannadihii 198-aadkii, waxaanu xidhiidh wada shaqayneed la yeeshay dugsiyo ciidan oo ku yaalla Masar. (1983), Faransiiska (1984), iyo Maraykanka (1984).

80-aadkii xiligii ay Dowladii Somalia burbureysey, Gen Cirro wuxuu ahaa siyaasi dhexdhexaad ah oo aad u diidanaa in la qabyaaladeeyo Ciidanka Xooga Dalka Saoomaaliyeed loona isticmaalo dagaalladii qabaliga ah oo ka socdey qaybo wadanka ka mid ah. waxaana uu diiday in uu xubin ka noqdo ururrada mucaaradka ahaa oo ay ka midka ahaayeen SSDF, SNM, iyo USC.

Allaha u naxariistee, General C/llaahi Ahmed Cirro ayaa mudooyinkii dambe ku noolaa magaalada Vienna ee gobolka Virginia, wuxuuna mararka qaar ka shaqeeynayay horumarinta nabadda Afrika.

Soomalia waxay leedahay taariikh dheer oo geesinimo iyo gumesi neceyb ah aan la illoobi doonin, Sidoo kale, waxaa soo marey geesiyaal wadaniyiin ah oo naftooda, xoogooda iyo maskaxdooda u soo huray sidii gayiga Soomaalidu degto looga xoreyn lahaa gummeysteyaashii caddaa iyo kuwii madoobaa waxaana ka mida Geesiyadaas General Cabdullahi Ahmed Cirro.

Ugu dambeyn, waxaan marxuumka ALLE uga baryayaa inuu ka waraabiyo Jannadiisa Fardowsa, inuu samir iyo iimaan ka siiyo Marxuumka qoyska, qaraabada, asxaabta, Sariikiishii ay soo wada shaqeeyeen ee Ciidanka Xooga Dalka iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed.

Xigasho1- Degalka: SomaliSpot “Taariikh nololeedkii Gen Cirro” https://bit.ly/3H0sFOO

2- Sadeq Enow. Buuga “Dagaalkii Ogaadeenya” Oo uu qorey Taariikh-qorre ahna aqoonyahayan Sadeq Enow.

3- Boga Xildhiban Ahmed Nour Guruje

April, 2021. Xubin ka mid ah Gollaha Sharci-dajinta Maamulka Soomaaliland.

Qallinkii : Saacid Maxamed Geelle

Email: saacidiin@hotmail.com

About The Author