Guddiga Doorashada heer Puntland oo shaaciyey qabashada doorashada 6 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka.

29 Jan 2022 (Puntlandes) Guddiga Maamulka Doorashada heer Puntland ayaa shaaciyey qabashada doorashada qaybtii 3aad, taas oo ah 6 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka.

Doorashada lixdaas kursi ayey qorsheeyeen inay dhacdo 02da febraayo oo ah 3 cisho ka dib, horay waxaa Garowe lagu doortay 9 kursi oo u dhacday 5 mar ah iyo 4 mar ah.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo oo sadex ka mid ah dumar loo asteeyey ayaa kala ah:

1-HOP192.

2-HOP094: Dumar

3-HOP014.

4-HOP121: Dumar

5-HOP174: Dumar

6-HOP075.

About The Author