Sawirro: Rooble oo Odayaasha Dhaqanka iyo Guddiga Doorashada beelaha Banaadiriga kulan la yeeshay

29 Jan 2022 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku saabsan hufnaanta doorashada kuraasta Banaadiriga la yeeshay Odayaasha Dhaqanka iyo Guddiga Doorashada beelaha Banaadiriga.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddiyada Doorashada Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xallinta Khilaafaadka.

Wali lama shaacin jadwalka bilaabashada Doorashada kuraasta beelaha Banaadiriga oo yaala magaalada Muqdisho.

About The Author