Ra’iisul Wasaare Rooble oo u safray Imaaraadka Carabta

30 Jan 2022 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, isagoo kulammo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal la yeelan doona madaxda sare ee dalkaas.

Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka sii sagootiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Socdaalka Rooble ee Imaaraadka ayaa noqonaya kii u horreeyay oo Mas’uul heerkiisu sareeyo oo dowladda Federaalka Soomaaliya ka socda ku tago dalkaas, tan iyo sanadkii 2018, xilligaasoo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyr safar ku tagay, iyadoo dhowr todobaad kaddibna uu xiriirka labada dal uu xumaaday, dhacdadii Ciidamada Amniga kula wareegeen lacag mallaayin dollar ah oo u socotay Safaaradda Imaaraadka, is hor-taagna lagu sameeyay diyaarad Diblomaasiyiin Imaaraad la socdeen.

About The Author