Swairro-Muuqaal: Gaalkacyo oo laga Dhagax dhigay Saldhig Cusub oo laga hirgalinayo Ex-Xeradii Kabida

31 Jan 2022 (Puntlandes) Maamulka Gobolka Mudug iyo Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug Muumin Cabdishire ayaa maanta si wada jir ah u dhagax dhigay dhisme saldhig cusub oo ay yeelanayso xaafada Garsoor ee Aaga Kabida.

Saldhiga la dhaxdhigay dhismihiisa waxaa loogu magac-daray Taliyihii hore ee Ciidanka Madaxtooyadda Puntland Marxuum Cismaan.

Waxaa sidoo kale goob-joog ahaa Munasabadda dhagax-dhiga Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobalka Mudug iyo Masuuliyiin Kale.

About The Author