Faalo: Shirka Garowe ka dhacaya ma wuxuu ku haboon yahayPuntland oo dhan mise G/Sool iyo Sanaag WQ Aqoonyahan Jaale Dahir

Madaxweyne Gaas waxuu iclaamiyay shir weyne Dib u heshiineed oo u dhexaya Dadka ku Abtirsada guud ahaan Puntland Qodobkaan oo ka  mid ahaa balanqaadkii Madaxweyne Gaas isagoo balanqaaday inuu ku qabanayo shirkaas muddo 6 Bilood ah

Haddaba yaa la heshiisiin oo Dagaal ka dhexayaa, yaa mudan in Gogol loo dhigo, Shirka hadda socdase maqabsoomikaraa  bal aan eegno .

 Puntland waxaa la asaasay 1998 waxaana lagu assaasay Feker iyo Midnimo ay lahaayeen dhamaan  Beelaha Walaalaha ah ee wada dega Puntland majirin cid is haysatay markaas oo dadku waxay ahaayeen Dad walaalo ah isku Deegaan ah Tala wadaag ah.

Beelaha Puntland ku bahoobay waxay 17 Sano ku Caanamaaleen Nadaam Dawli ah waxaa lagaaray horumar dhanka Dawladnimada ah mid Siyaasi ah mid Horumariinta Bulshada ah, Xaqiiqadii waxaa jiray waxyaabo ka Abuurmay Marxalado gaar ah waana wax ka mid ah Nolosha bini’aadamka  taasoo Qofka ama kooxba si ula muuqata Tusaale ahaan Gobolka Sool iyo Sanaag Bari waxay ahaayeen kuwa Gacanta Puntland muddo ka maqan Sababaha keenay oo Dhinacyo badan isku tuur tuuraan marka laga tago Xaqiiqadii Waxay ahaayeen walina yihiin Dad iyo Dal Puntland ah waxayna ahaayeen kuwa mudan in lagu Difaaco Dawladnimo marba hadii Tastuurku sheegayo inay yihiin Dad iyo Dal Puntland.

Gobolka Sool iyo Bariga Sanaag waa kuwa ay kala duwantahay siyaabaha ay ku maqanyihiin Gobolka Sool oo ka mid ah Puntland waxaa maqnaanshihiisa sal u ahaa qabsashadii Laascaanood ee 2007, waxuuna magacyo badan oo midba ujeeddo gaar ah lahaa yeeshay kadib markii Siyaasiyiin Xilal ka waayay Maamulka Puntland kuwaas oo eegay (self interest)ama dan gaar ah iskana indha tiray danta Dalka iyo dadka iyo Mawqifka mawaadinimo, sidoo kale Bariga Sanaag ma jidhoro magacyo kala duwan oo loogu abtiriyo marka laga reebo Puntland iyo Somaliland oo midba qaybka mida maamulaan, Gobolka Sool malaha Siyaasiyiin Gobolka ah kuwaas oo sheegta mawqif iyo magac ka duwan maamullada ay ka kala tirsanyihiin ee Puntland iyo Somaliland.

Maqnaanshaha Gobolka Sool iyo Sanaag Bari waxaa sababay marxalado badan oo Puntland soomartay Somaliland-na uga faa’iidaysatay ha ahaato Dhacdadii 2003, oo Puntland la kuftay ama ha ahaato Ururka Al-shabab oo Puntland ku maqal dhalay Sanadihii 2006 ilaa haddana ah Caqabadda ugu weyn ee Puntland ay ka Qaadikari weyday Dagaal ay kulasoo laabato Gobolka Sool iyo Sanaag Bari, iftiimintaas arimahaas kadib aan u soo laabano mawduuceenii hore ee ahaa Beelaha Puntland maxay ka heshiin.

Xaqiiqadii ma jidho Beel gaar ah oo sheegtay inay Puntland ka baxday sheegtayna inay maamulkale samaysaytay ama meelkale raacday, Sidookale waxaa jiray Heshiis iyo Tastuur Caddaynaya in aysan jirin Gobol ama Beel Puntland ka bixikara taas badalkeedana Cidkasta oo doonaysa horumar iyo Nadaam Dawladnimo ay Puntland kusoo biiro kadho,  haddaba marka laga reebo Dhulka Xooglagu Qabsaday una baahan in Xoog lagu soo cesho wakhtiga ay ku haboontahay ama Qof Siyaasaddu Shaatikale u galisay amaba Xurguf u dhexaysa Laba Beelood marka laga reebo Saddexdaas qodob majidho Caqabad heshiis u baahan oo Puntland maanta u ka jidha.

Ma jiraa shir ay maanta Puntland u baahan tahay haa oo waa sidaan:

·         Puntland waxay u baahantahay Gogosha Isimada, Siyaasiyiinta,Cuqaasha, Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Gobolka Sool iyo Sanaag iyadoo Saldhig looga dhigayo Tala wada jir ah, Mawqif Siyaasi ah, oo looga tashado Goboladaas iyo in Puntland Cuddaar Lagu qancikaro ka bixiso Maqnaanshaha Goboladaas iyadoo Sharaxaysa Sababaha maqnaanshaha mudadaas.

·         Puntland waxay u baahantahay in laga Tashado Difaaca Dhulka Ay Gacanta ku hayso

·         Puntland Waxay u baahantahay Istaraatiijiyad laga yeesho Midnimada iyo Wadajirka Puntland.

Maqabsoomikaraa Shirka Xukuumada Puntland Sheegtay

·         Marka la eego Qaabka Agaasinka Shirkaa

·         Marka la eego Beelaha Qaarkood oo hadda ku dhawaaqay inay ka baxeen shirka

·         Marka la eego Khilaafka Gudiga shirka dhexdooda ah

·         Marka la eego Goobta shirka oo aan wali cadayn iyo Guddiguna oo Goobta shirka ka dhacayo ku kala sheegay Caasimadda Garowe halka Qayb ka midana sheegeen in Gaalkacayo lagu qabanayo

·         Marka la eego Muddada shirku dhacayo oo gaaban laguna sheegay 15 May 2015,

·         Marka la eego Hab maamuuska shirka

·         Marka la eego Saamiga Dadka Shirka ka qaybgalaya oo lasheegay inay Qurba joog aan Dadka iyo Dalka aqoon ah

·         Marka la eego Awoodda Madaxtooyadu ku leedahay shirka

·         Marka la eego kaalinta Ururada Bulshada oo aan Qiixnayn

·         Marka la eego waayo Cidda marjaca loo laabanayo noqonayso

Qiixitaan la’aanta  Qodobadaas oo dhan iyo kuwa kale oo jiraba waa mid aysan u muuqan in Shirku Qabsoomo isla mar ahaantaasna ka dhigikadha Fashil aan waxba ka Naasa cadaan.

GABA GABADII

Waxaa muhiim ah hadii larabo in shir ku noqdo mid xaal ah isla markaasna qabsoomo waxaa mudan in dib u eegid lagu samayo Gogoshana loo dhigo Cidda ku haboon oo kor ku xusan isla mar ahaantaasna wakhtiga Qabsoomidda shirka dib loodhigo.

W/Q:  AQOONYAHAN JAALE DAAHIR

About The Author