Sawirro-Muuqaal: Wasiirka Maaliyadda Puntland oo tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawishta Puntland

10 May 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha guddiga dib u habaeynta Ciidamada ahna Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Taliyaha Ciidamada Difaca Puntland Mudane Gen. Yaasin Cumar Dheere ayaa manta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawishta Puntland.

Soo af-meeridda Tabarbarkan waxaa ka qayb galay Wasiirku xigeenka Amniga, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Wasiiru-dowlaha Xanaanada Xoolaha Guddoomiyaha Gobolka Cayn, Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Mudug, Duqa degmada Gaalkacyo, Taliyaha Ciidamada Daraawishta aaga CAYN Taliyaha qaybta gobolka Mudug iyo mas’uuliyiin kale.

Ciidamadan ayaa ah Horin muddo tababar uga socday dugsiga Gen. Carays waxayna ka mid yihiin Ciidamada nasiibka u helay in la Tira koobo tababarna ay qaataan.

Dowladda Puntland ayaa guulo wax ku ool ah ka soo hoysay tababarka iyo tirakoobka Ciidamada kala duwan ee Dowladda.

About The Author