Sawirro: Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo booqasho ugu tagay Musharax Madaxweynaha Soomaaliya

Filed under: Wararka maanta |

10 May 2022 (Puntlandes) Musharax Madaxweynaha Soomaaliya ahna Madaxweynaha dawladda Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa waxaa caawa booqasho ugu tagay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed Dhooba-daareed.

Labada masuul ayaa waxay iska wareysteen guud ahaan xaaladda dalka. iyadoo uu madaxweyne Deni uga mahadceliyey kulanka iyo wakhtiga ay wada qaateen gudoomiyaha.